Xad-gudub lagu sameeyey qabriga Nebi Muuse CS & caro ka dhalatay (Sawirro)

Caro fara badan ayaa ka dhalatay fal meel ka dhac ah oo dhalinyaro reer Falastiin ah u geysteen qabriga Nabi Muuse CS oo ku yaalla duleedka magaalada Jericho ee dhulka Falastiin.

Shacabka falastiiniyiinta ayaa si adag uga fal celiyay qoob ka ciyaar lagu dul sameeyay goobta loo yaqaanno (Maqam al-Nabi Musa) ee ku taalla Daanta Galbeed.

Masuuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale cambaareeyay xafladdaas qoob ka ciyaarka ah oo fiidnimadii Sabtidii lasoo dhaafay masaajidka iyo qabriga Nabi Muuse CS.

Ra’iisul Wasaaraha Falanstiin, Muhammad Shtayyeh ayaa magacaabay guddi loo xil saaray in ay baadhitaan ku sameeyaan dhacdadaas.

Video si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu arkay rag dhalinyaro ah oo ku jaasaya goobtaas, iyagoo sidoo kalena khamri ku cabaya gudaha dhismaha qabriga nabi Muuse CS.

Booliska Falastiin ayaa xabsiga dhigay fanaanad u dhalatay Falastiin oo lagu magacaabo Sama Abd al-Hadi taasoo ka mid aheyd dadkii halkaas qoob ka cayaarka ku sameeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -